Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ciidamo Itoobiyaan ah oo Xalay soo Gaaray Xerada Janta-Kuundisho
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 22 2008
Ciidamo Itoobiyaan ah oo Xalay soo Gaaray Xerada Janta-Kuundisho
Written by Ali Moallim   
Sunday, 22 June 2008

Hiiraan,(insidesomalia.org)- Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gadiidka Dagaalka ayaa saaka lagu arkayay iyaga oo fariisin ka dhiganaya Xerada Jante-kuundisho ee dulaadka Magaalada Beledweyne kadib markii dhawaan ay halkaa baneeyaan inta badan Ciidamadii ku sugnaa.

Ciidamada Itoobiya ee xalay soo galay Xerada Jante-kuudisho ayaa ka soo dhaqaaqay dhinaca Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana qaar ka mid ah Ciidamada la sheegay in ku hakadeen deegaanka Kala-beyr iyaga oo dusha sare kala socnaya dhaq dhaqaaqa watada isku xirta Gobalkada dhexe tan iyo inta ay ka saldhiganayaan Ciidamada soo gaaray duleedka Beledweyne.

Dad ku soo safray watada isku xirta Gobalada dhexe ayaa sheegay in xalay lagu celiyay deegaanka Kala-beyr, lakiin wararka saakay laga helayo Kala-beyr ayaa sheegaya in ay dib u laabteen Ciidamadii Itoobiyaanka ee xalay halkaa ku sugnaa.

Dhaqaaqa Ciidamada Itoobiyaanku ka sameynayaan gudaha Gobalka Hiiraan ayaa qeyb ka ah sida ay sheegeen Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan howl-galo lagula soconayo arimaha Nabad-galyada, mar hadii aysan jirin Ciidamo ka tirsan Maamulka oo kala wareegi kara kuwa Itoobiya sugida Nabad-galyada.

Dhawaan ayeey aheyd markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tagay Xerada Jate-kuudisho ay u dhaqaaqeen dhinaca Degmada Buula-burte, waxaana xusid mudan intii ay socdaalka ku jireen Ciidamada Itoobiya in kooxaha ka soo jorjeeda ku weerareen madaafiic aan la garan khasaaraha ay geysteen.

Inkastoo uu jiro dhaq dhaqaaqa ay howl-galada ay sameynayaan Ciidamada Itoobiya ayaa hadana dhinaca kale marka la eego Magaalada Beledweyne oo xarun u ah Xubnaha Maamulka Gobalka Hiiraan waxaa la oran waa mid ay ku sii kordhayaan falalka lidka ku ah amaanka waxaana mid ka mid ah falalkaasi xalay lagu dilay Asakari ka tirsanaa Maamulka Gobalka Hiiraan lakii horay ula shaqeyn jirin Ciidamada Federaalka Itoobiya.





Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >